saw dareenka damac caashaq ma dawoobo
saw dubaaqu xusuus duugan kama daalo
naftu dayday xiska dooji saww ma dayso

sow qof dookha daymadiisa dagdag raacay
haday duulka dani gayso dal shisheeye
ruux dayoobay doonistiisu kama daasho

ladh daweye xiise daare dun xariira
qalbi doortay diifta caashaq si udaayo
yaa daweeya dalka hooyo la dalxiisa
damaashaadka buurta daalo la dawaafa

saw duruufta dad jacaylka daadaheeya
dayr dhexdooda imid doorka duurka keentay
lurka daarmay sawir daawo deeqi mayso

sow qof deeqay oo xis doortay lurka daahay
is dugsiiya isku duubni isu dooja
laba doortay kala duulku wuu damqaaye

Exit mobile version