ma anaa wanaaagii
milgihiisa kula garan
ma adaa i tirayoo
iga saaray maankii
ma anaa kalgacalkii
la midoobay kaligay
ma aduu cir kuu da'ay
ma anaa abaar dagay
ma anaa ku baday ciil
ma adaan i doonayn
ma anaa kali ku raba
ma nasiib daraanbaa
imisaan jacayl dhaba
kugu sooray maandhow
ma adaa runtaba baran
ma anaa amuuma ah
meeqaamkii dadnimadiyo
meeday daacadnimadii
mar haday kal kuu nugul
maaweelo kula tahay
ana maarmay maantee
gayaankaa ka meeldayo