Sida roob mahiigaanoo
Dunida maan sheeyay
Abaartii maydhay baan
Markaan ku milicsado
Kuu muhasho reemay
X2

Sida meel ugbaad badan-
Oo oo magoolka geedaha
Maankii ubaxa kasoo
Lushoo ayaad macanow
Daymada meel joog la-
Siman tahee x2

Marka aan ku dheehdana
Intaan farax maqsuudaan
Mahadhiyo dhibkaan qabo
Makhluuqaba kareestaa
X2

Maareeyihii naftaydow
Anigu kaama maar mee
Waxay noloshu mudan
Tahay marka loo midoobe
X2

Mugdi damay habeenkii
Iftiin meel ka muuqdaay
Maankaad ku qoron tahoo
Maskaxdaad hagaysaaye
Madhisnaa dhismiyo hoy
X2

Mugdi damay habeenkii
Iftiin meel ka muuqdow
Maankaad ku qoron tahoo
Maskaxdaad hagaysaaye
Madhisnaa dhismiyo hoy
X2

Exit mobile version