ruuxaan qiyaas li'i
qasnadaha xusuustiyo
qalbigaaga siisee
dookhaagu qaayibay

hadii aad qadariniyo
qiimayn ka waydoo
quursado naftaadoo
qofnimadu la fududahay

caashaqan qudhiisaba
go'aan aan ka qaatee
qanacoo naftaydaay
samir qoorta uun sudho

maanka aad qushuucdiyo
aad ku beertay qarawgiyo
niyadaad ku qorateed
aanad qiran hubaashee

waxba qaadan mayside
qalbigaa ku tabayee
ma qiyaamahaad garan
xubigan qabo dartaa

Exit mobile version