taagbuu sheegtoo runtii
caashaqu wuu tacdiyee
tolow waa kuma midkaa
qalbiga ku abuuray taa

taniyo goortaan aqliyay
kalgacal aan tibaaxayaa
talaabadaan qaadayaayoo
waqtiga tarmayaan arkaa

waaniga talamee hurdada
kaaa toosee ooyayee
halkuu karku iiga yimid
tolow anuu yaan jeclahay
ma kan ma kaa ma adiga

taxliilbay ii dhigaan
wadaadadu igu tufaan
hadana waxba iima taro
cishqigu wuu sii tarmaa

taageero qofkaan bidaa
tabcuu ii loogayaa
tusmada guushaan rabana
ILAAHBAA toosin kara

Exit mobile version