Aandaama jacayl
Galbis shaba waroo
Kaa baaqan jiray
Waxay iigu darnayd
Yarkii aan dul imid
Taan dunida rabay

Iyadoo doog dhex jiifto
Daawanayso ubaxoo
Iyadoo doog dhex jiifto
Daawanayso ubaxoo

Saw raaxo ka maqnayd
Daa daa ha iska furatayee
Sii daysay timahee

Aan is iri ma daysaa
Mise waad bogsiisaaye
Dibnaha ma isa saarnaa
Yaa dookh u heli jiray
Dadoow maxaad ku talain lahayd
Dadoow dadoow
Maxaad ku talin lahayd

Aan dabiyo maankaay
Deeqaha ilaahay
Daa daa ha ka jee
Cidna waxaan u dayn
Dumar iyo dhibtood
Door idhaa abdurkee

Wuxuu sida daruuraha
Sagal waan u daalacay
Wuxuu sida daruuraha
Sagal waan u daalacay

Waa midinbuu ka daadyoo
Daami'ii igu daylana
Warbaa igu dirqiya oo ee

Aan is iri ma daysaa
Mise waad bogsiisaaye
Dibnaha ma isa saarnaa
Yaa dookh u heli jiray
Dadoow maxaad ku talain lahayd
Dadoow dadoow
Maxaad ku talin lahayd

Exit mobile version