bani aadamkuba bilowgiisii hore
wuxuu baahi qabay barashiyo hubkeed
yuu kaga bogtee

baaqeenu waa barashada dadwaynaha
in la baahiyaayoo la balaadhiyaaye

balanteenu waa boqolkiiba boqol
buuga iyo qalin lagu boratamaaye

bahdaada la biirso bahdaada la qaybso wax barasho
la beegso da'daa barasho ku beegso da'daa barasho

bilicsami cilmia nafta lagu bilaa
baydadiisa iyo barwaaqada dalkeena
lagu baafiyaa

baaqeenu waa oday boosa iyo habar baariyaba
in la wada bartaaye

balanteenu waa boqolkiiba boqol
baabacada oo lagu wada cabaa

Exit mobile version