Dayax habeen iyo
Daruur hilaacdaay
Taan haybinaayee
Huqda igu abuurtaay

Sida hooyo wacanoo
Curadkeedii haysaan
Kuu heesayaayoo
Kuu huray naftaydee

Adiguna i hoo
Oo haakah dhe haakah

Mayaygo hooroo
Milicdu haysaa
Hogob caleenliyo
Hoobaan bislaataa

Sida awr hayin ahoo
Lala helay hogaanbaan
Kuu hoganayaano
Kuu huray naftaydooo

Exit mobile version