Yar hayeenka beeshoo
Gaadiid hayinaha oo
Guri lagu ninqaadiyo
Goobtaa ku daylneyd

Geedihii na qaad
Hadii ay gahayraan
Geedihii na qaad
Hadii ay gahayraan

Cawskii gubnoodoo gubnoodoo
Dabadeedna raad go,o raad go,o
Cawskii gubnoodoo gubnoodoo
Dabadeedna raad go,o raad go,o
Gama,a kuu yaalee gama,a kuu yaalee

Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Waa geedi caano leh
Guryo samaha lagu furo
Waa geedi caano leh
Guryo samaha lagu furo

Gaaridii haweenkaay
Soo geli hogaan awr
Qarqarkayga ku gaw sii
Habka guriga loo raro

Gurgureeryo raro jilic
Garka dhafarka baalada
Gurgureeryo raro jilic
Garka dhafarka baalada

Dabagaliska caynbay caynbay
U guree ilmaha oo ilmaha oo
Dabagaliska caynbay caynbay
U guree ilmaha oo ilmaha oo
Ibilkiyo jarcada saan
Ibilkiyo jarcada saan

Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Waa geedi caano leh
Guryo samaha lagu furo
Waa geedi caano leh
Guryo samaha lagu furo

Gud cadiyo barbaartaay
Edo lagu hayaanshoo
Goor subax jarmaadaa
Buuraha mirtii dhaxe

Ama galab carawdsiin
Hadaan gaatis loo wadin
Ama galab carawdsiin
Hadaan gaatis loo wadin

Waan galan galcoobaa galcoobaa
Haduu maalin galana galana
Waan galan galcoobaa galcoobaa
Haduu maalin galana galana
Waa raro gudyoodaa
Waa raro gudyoodaa

Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Waa geedi caano leh
Guryo samaha lagu furo
Waa geedi caano leh
Guryo samaha lagu furo
Waa geedi caano leh
Guryo samaha lagu furo
Waa geedi caano leh
Guryo samaha lagu furo

Exit mobile version