Inanyahay heedhe inanyahay
Indhahaygii baad tahee
Inanyahay heedhe inanyahay
Indhahaygii baad tahee

Ifka intaa ku noolaa
Ku ilaawi maayee

Ifka intaa ku noolaa
Ku ilaawi maayee
Arwaxduu ku jecel yahay
Lama uuradaydee
Ogoloow sidaan rabo

Inanyahow heedhe inanyohow
Ha i khilaafin anigee
Inanyahow heedhe inanyohow
Ha i khilaafin anigee

Aflagaado weeyee
Eraygaad i leedahee

Aflagaado weeyee
Eraygaad i leedahee
Anigaa ku raafoo
Arintayda ii yeel
Ogolaana maayee

Orod iga tag ha ii iman
Orod iga tag ha ii iman
Hana i soo ag marinee
Orod iga tag ha ii iman
Orod iga tag ha ii iman
Hana i soo ag marinee

Inanyahay heedhe inanyahay
Dadka kii itaal daran
Inanyahay heedhe inanyahay
Dadka kii itaal daran

Arxan loo galaabaa
Umada u dhaxeeyee

Arxan loo galaabaa
Umada u dhaxeeyee
Ana aramidaadii
Waanigaa la ooyee
Ogolow sidaan rabo

Inanyahow heedhe inanyahow
Kuma jeedo adigee

Qofkaad eed daraysaa
Ani maaha eede
Caqligaa ku diidee
Ambad baad udhawrtee
Orodoo ha ii iman

Orod iga tag ha ii iman
Orod iga tag ha ii iman
Hana i soo ag marinee
Orod iga tag ha ii iman
Orod iga tag ha ii iman
Hana i soo ag marinee

Exit mobile version