Afar iyo Tobnaadiyo
Dayax soo Aroor baxaaye
Marki aan ku eegaba
Abshirow ku moodaa

Kuma arag aduunyada
Eynigaa mid kula midabee
Hadaan uurka uurka
Lagu sidin ubaxii baxaayow

Eeyd kaa timaadiyo
Ee Amar eebe mooyee
Ifka adiga oo nool
Kaa ooli maayee
Arin maxaan ka yeelnaa
Arin maxaan ka yeelnaa

Miid dhaxe habeenkii
Anigoo hurda galaaye
Ee timid ishaaradu
Inagoo Aroosee

Marki aan ku waayaba
Ari dhaban sideydaan
Oo laleyn bilaabaa
Ubaxii baxaayow

Eeyd kaa Timaadiyo
Ee Amar eebe mooyee
Ifka adiga oo nool
Kaa ooli maayee
Arin maxaan ka yeelnaa
Arin maxaan ka yeelnaa.

Lyrics: by Abdi deeq

Exit mobile version