barbaarta yarkaan ka eegtay
wiilkii isha iigu baaqay
inankii aan caashaqa aan beernay
anigu baaq baan ku raacay
anigoo balad xaawo jooga
muxuu bari iiga yeeray
markaan boosaaso gaadhay
muxuu burco iiga heeesay
anoo beer sii marayaa
haduu bada doon ka raacay
inuu been ila jilaayayy
adaa boqoroow ogaaye
i bixiyoow iga badbaadi
hadaan bogsado ka raystoo
sidaan uga booday caashaqa
jacaylba adaan u booyo
hadaan nin dambe u baroorto
hadaan baxsanoow idhaahdo
barwaaqaba ha iga raacdo

baxdawga yarkaan u qaatay
jacaylkii beri samaadku
biishaarada iigu yeedhy
bilkhyartana ugu jawaabay
yarkii bada ii fadhiisay
yarkii beerkayga saaqay
yarkii boga ii salaaxay
inaanan baraarugayne
markuu kka bogtoo ogaaday
haduu badal iigu jiiday
inuu bohol ii qodaayay
adaa boqoroow ogaaye
ibixiyoo iga adbaadi
hadaan bogsado ka raystoo
sidaan uga booday caashaqa
jacaylba adaan u booyo
hadaan nin dambe u baroorto
hadaan baxsanoow idhaahdo
barwaaqaba ha iga raacdo

Exit mobile version