jacaylkeenu waa dahab
dunida u sareeyoo
dadku way qirayaane

jacaylkeenu waa damal
naftu hadh ka doonato
ku dakayso raaxada e

maantana dadaalkii
DAA'IMBAA aqbalayo
dadabaan ku wada hoyanee
ha durduurto caashaquye

damaashaadka maantana
waa dabaal dageenee
isku duubni wadareedna
ku daryeelno caashaqa

jacaylkeenu waa dawoo
dabiiba wadnaha oo
qalbigana dajinayee

dabcigiisu waa malab
daryeelkiisu waa qurux
adiguun ku daydayayee

Exit mobile version