Hadaan kaligay nuglaa
Hadaan kaligay lur qabay
Koomada caashaqa hadaan
Anigu kaligay ku jiray

Kun jeer anigoo lug go'ay
Hadaad ku adkee lahayd
Ka badan anigoo dhib qaba
Ku wiirso hadaad lahayd
Maantaan kaaftoomayoo
Intaan kurbadaadii dhigay
Ka noqday jacaylkii ka noqday

Naftana samirbaan ku
Idhiyoo antaa ka raaco

Hadaan kuligood ragaba
Hadaan kali kaa dalbaday
Kadis caashaqaagii walaal
Hadaan kaalmee ku idhi

Kaar iyo anigoon lur wadin
Hadaad kufi ahaan lahayd
Kol uun anigoon ku lurin
Ka maaran hadaad lahayd

Exit mobile version