Sidaad ii ogayd baan
Adiga mooyee
Ragba ilaaway
Sidaad ii ogayd baan
Ubax la moodyoow
Kuu amaanaa
Sidaad ii ogayd baan
Adiga awgaa aan u ooyaa
Miyaad ogayd
Miyaad ilawday
Inaad jacayl igu abuurtay
Uurkaygana ku beerantahay
Maba ilaawee
Iga maqani moogaa
Mataankaygii geed qariyee
Ana maantaba caashaqa
Sida mayayga roobkuu
Intuu meel biyaha dhigay
Dhex maquurshay geedaha
Dhexma quurshe iga aad
Mahiigaan jacaylbaa
Meel dheer idhigayaaa
iqaadaa idhigayaa
Oheey xalay baan
hab soo iriyee
Hawaawiray hurdo lay diidoo
Wiilkaan la hayaa
Hortay imidoo
Hawada sare layla duulyee
Waan isla hadloo
Hir caahaq baa
Hogiis galayoo
Anaa ku haftoo
Ka hari waayee
Halkeen ka helaa
Inanyahaw rucliyo orod
Kugu raadshay adigoo
Wixii uurku uu rabo
Ifka lagama reebee
Waan kugu riyoodaa
Waan ku daalay raadiskaagii
Way way way
Qalbigii ku raacaa
Raysan waayay awgaa
Iga daa rogrogashada
Huunoow qalbigii ku raacaa
Raysan waayay awgaa
Iga daa rogrogashada

Exit mobile version