Nafyahay uurarta ceel
Inbadan sii carartayee
Kasoo celin weydayee

Nafyahay cududaar la'aan
Cidlada la fariisiyay
Anoo cabashadu dhibtaa

Nafyahay calmashadu hodee ay hoddeee
Caashaqu meel dheer ka ridayee

Nafyahay ciil buuxsantee
Markay cadda sookacdaba
Uurkaa dib u celinayaa

Nafyahay cadowgeeda jecel
Kun jeer la colaadiyèe
Haddana calanka usiddaaa

Nafyahay calmashadu hoddee ay hoddee
Caashaqu meel dheer ka ridayee.

Exit mobile version