Horaan ugu daaloo
Hawaawirka beentaa
Naftaad u horseeday
Haasawaha jiliddaaa
Hunguri igama galshoo

Adoon ii hiilanayn
Humaag kaa dheeriyo
Inaad hungowto
Haddeer hakudaalin

Hankaaga kaa jeedda
Adoon heli doonin
Kolley hiigsigiisa
Waxaa ku habboon
Inaar ka hartoo
Hantaaqdo dhibtiisa
Habaanba habaanba
Hababaaanba
Amase hamigaa igajeeso
Igajeedi hooy hooy hankaaga iga jeedi

Haddaad haaddaad
Isu haysato
Hormuudkii raggoo
Horaan u ogaaday
Sirtaad huwatiyo
Inaad hufaneyne

Intaad i hagrayso
Horumar ani gaadho
Hoos adigaa isgeeyo
Horey uma giidhaa
Weeeey

Hankaaga kaa jeedda
Adoon heli doonin
Kolley hiigsigiisa
Waxaa ku habboon
Inaar ka hartoo
Hantaaqdo dhibtiisa
Habbaanba habbaanba hababaanba
Amase hamigaa igajeeso
Igajeedi hooy hooy hankaaga iga jeedi

Exit mobile version