jacaylkuba xusuusiyo
wuxuu xisso leeyahay
marka la is xushee
laba ruux is gayaa
ay xidida wadaagaan

oo wuxuu xurmiyo
xaqdhawr leeyahay
oo xal fiican gaadhaa
marka aad xabiibii
xilwa aad igu tidhaahdo
ana aan xabiibii
xubi ku yidhaahdo

markaan xalaalee
xilo anigu kuu noqdo
xanxantada jacaylka
xagaa iyo xagaba
aad dhex xaluulatoo
xagaa iyo xagaba
iyo laabtaba aaad
dhex xaluulatoo

xidhiidhkuba kalsooniyo
wuxuu xanaano leeyahay
marka la is xigtee
laba ruux xaqiiqdii
xogta ay wadaagaan

waxay xaladiyo
xamaasad jirta
markay xili dhexe
habeenkii tahay
ee aad xabiibii
xilwa igu tidhaahdo
ana aan xabiibii
xubi kugu yidhaahdo

Exit mobile version