Xareeda laguma wacnaadoo
Abaartana lama xumaadoo
Aduun xumba maaha gudhayee

Haduu kuu xeel Furnaadoo
Xogtiisana ruux ku siiyoo
Xussuusta lagama gooyee

Xagaaga markaan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee
Xan iyo ceebi yay ku raacin

Aduun waa xeerba xeeroo
Sidii weeye xabag cadaadoo
Xilbay adhi jiri wadaagtaa

Inagoo xidid iyo gunbuuroo
Amase laamaha xubnaadoo
Xumaan hay felin waxyeelee

Xagaaga markaan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee
Xan iyo ceebi yay ku raacin

Qoraal heesta sii raaca
Sidii faras xamar is xooday
Amase geenyo xariir la taagay
Xudu iyo shaal lagu hagoogay

Haday xaragadu ku qaado
Xidigaha xataa ayku geyso
Wuxuun baa la xeeriyaayeey

Xagaaga markan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee
Xan iyo ceebi yay ku raacin

Exit mobile version