ubaxii janada iyo
ilayskii cadceedaad
indhaheedaa mooda

iftiinkii aduunkiyo
ilayskii arooryaad
anba ii ahaatee

eray samida edebta leh
midaan aaminaad tahaye

anba uduga saxansaxada
yarkaan eeganayaay tahay

ana inaan axdi ku ciyaaro
ha iga eeginee
adna waxaan ku kala
irdhowno ha la imane
arintu waa is arageena
afar saac khamiis subax
ha inoo ahaate ha ilawine

ubadkii azxaabtiyo
aadan iyo xaawaad
asaaskood ka joogtaa

udgoonow rasuulkiyo
anbiyadii la doortaad
ehel ka joogtaa

Exit mobile version