Ammuun lagu farxoo
Degaan kugu filan
Mid fiican baa
Xilka loo fishaa

Ruux faashiloo
Iska firinfiroo
Meel ku fooganoo
Fool habaabayoo
Lama faaniyee

Kan ku foosilee
Lagu faanilaa
Aqoon fiira dheer
Aan ku fulin lahaa
Farax aadishilee
Amaan buurfashoo
Horaa loo fahmee
Maad ka faraxsiin

Ruux faaruqoo
Dalka fara guboo
Laga furo dadkoo
Feeraha ka ciyaa

Faruuriyo firqana
Nagu daba furoo
War lasoo faroo
Loo faaliyana
Umaba fadhinaba

Kan ku foosilee
Lagu faanilaa
Aqoon fiira dheer
Aan ku fulin lahaa
Farax aadishilee
Amaan buurfashoo
Horaa loo fahmee
Maad ka faraxsiin.

Exit mobile version