caashaqu waa malab dareenka
kasoo maaxda oo gaaanka
mataaneeya aayatiinka
waxa sida midhaha canabka
u wada muudsanay jacaylka
markaan ku midawnay calafka
is aaminku waa miciinka
xafida milgaheena guurka
mudnaantuna waa is maqalka
murtida hadalkiyo dhambaalka
ado galinaaya maanka
xabiibi macaane daadihi jacaylka

markaan kaa xushay gayaanka
mudane adigaa jacaylka
u dhigay masalaha xaqdhawrka
adoo maal iyo aduunyo
ku hayn midigtiyo jeebka
ana maya odhani maayo guurka
is aaminku waa miciinka
xafida milgaheena guurka
mudnaantuna waa is maqalka
murtida hadalkiyo dhambaalka
ado galinaaya maanka
xabiibi macaane daadihi jacaylka

Exit mobile version