cashaqii ku maan guuriyaa
haduu gees u bixi waayo
misna ruuxaad gaclootaa
haduu gabo dhankiisi
gab uma seexatide
hurdada waad galgalataa
ana ocosha reenkii
xalay gogosha maan ladin
ma garba ma gardaraa
maxaa gubay naftaydii
adiguba garaad baad leedahee
maxaa gama, ii diiday

caashaqii guyaaliyo
anoo galin la caatoobay
anoo gabi dhaclayntii
daren goorba ladi waayay
aniguba xishood gabadhnimaan
kaaga gaabsadee
aday kula gudboontahay
inaad ii garawdaaye
ma garba ma gardaraa
maxaa gubay naftaydii
adiguba garaad baad leedahee
maxaa gama, ii diiday

Exit mobile version