Qof kastiba nasiibkiisa
Uga qoran carshiga guudka
Kuma qabo ayaankiisa
Horta cidi ma qaadayso

Adoo qaba iimaan buuxa
Qabanqaabi guushaada
Hana qubin rajada fiican
Qalbi daacadaan jabine

Qormadana waxaan ku xidhay
Ha ka qoomamoon wax tagay
Qayb kaa maqan ILAAHBAA oge
Noloshuna ku qanac weeyi
Siduu QAADIR kuu doortay

Nolol wacana quruxdeedu
Quwadeedu samir weeyi
Bisinkiyo quraankeena
Ruux qabsaday ma liicaayo

QANI waa ILAAHAYE
U qaysho RAXMAANKAAGA
Waa sad lagu qaboobaaye
Ha ka quusan deeqdiisa

Exit mobile version