xurmaad igu hanataye
xuquuqdaadiyo jacaylka
xilkooda anaa is faray
xagagayga gob baad ka tahay
xiskaygani kuu bogiyo
qalbiga adigaa ku xidhan
geyaanka xulkiisiyoow
xubiga igu kaa sedaa
calafka isku keen xidhaa
xamdiga rabi ugu naqaa

xaqdhawr baan kuu bogo
xaqiiq maankiyo lubiga
xusuustaada ku wayn
dhankayga xul baad ka tahay
xiisaha aan kuu qabiyo
wadnahaa adigaa ku xidhan
geyaanka xulkiisiyoow
xubiga igu kaa sedaa
calafka isku keen xidhaa
xamdiga rabi ugu naqaa

Exit mobile version