Dheeha caleentu
Dhirtay qurxisaa
Dheeha dheeha
Marka lays dhex galee
Dheeha dheeha
Talaabo is dhaafa
Qalbi farax dhaansh
Dhawr iska xishoodka
Waji dhiganaa
Dheesha dheesha
Soo dhawaw
igu soo dhawaw
Dhab isii oo iqaad
Yanan dhicine dhufo
Dheshu dheshu
Ha dhaawicin kalgacaylka
Ha idhigine idhawr
Dheesha cayaartu
Waxay dhadhan tahay
Dhesha dheshu
Marka la is dhex gale
Dhesha dheshu
Dhexda la is qabsade
Dhesha dheshu
Dhinac isu tuurka
Hadba dhan u liica
Dhifashada gaaban
Dhabaan u ruxayaa
Soo dhawaw
igu soo dhawaw
Dhab isii oo iqaad
Yanan dhicine dhifo
Dhesha dheshu
Ha dhaawicin kalgacaylka
Ha idhigine idhawr

Exit mobile version