Hawaawiga lahanshadiyo
Hantaaqiyo rancadaa
Dartaa u hiloobayoo
Anoo kuu heelanbaad
Dhib isoo qaadayaa

Hadana waayaha habeetano
Hortaada markaan imaado
Naftaa hadalkii gaboo
Odhaahda haramaamayee
Sidee naf jacayl hayoo
Xishood dhibay loo hagaa
Sidee naf jacayl hayoo
Xishood dhibay loo hagaa

Hirashada kalgacalkiyo
Hilawgiyo muxibada
Awgaa i haleelayoo
Habeen kaa jiifan waa
Mid kale kuu humaamayee

Hadana waayaha habeetano
Hortaada markaan imaad
Naftaa hadalkii gaboo
Odhaahda haramaamayee
Sidee naf jacayl hayoo
Xishood dhibay loo hagaa
Sidee naf jacayl hayoo
Xishood dhibay loo hagaa

Exit mobile version