Beertii jacaylkoow
Baradii kalgacalkoow
Beertii jacaylkoow
Baradii kalgacalkoow

Hadii isagii buuqiyoo
Baraxiyo cindiga galay
Kaftankeena baaliyoo
Bacda aan u roganee
Waa inoo baloolaysaa
Caduulka bidix ka jaamee

Hadii isagii buuqiyoo
Baraxiyo cindiga galay
Kaftankeena baaliyoo
Bacda aan u roganee
Waa inoo baloolaysaa
Caduulka bidix ka jaamee

Afartaa buleeyoo
Bishleey oo xigeeyee
Aan sii balaadshee

Afartaa buleeyoo
Bishleey oo xigeeyee
Aan sii balaadshee

Barni iyo saluugliyoo
Basradii hargaysiyo
Burco saxarladeediyoo
Cabiryoow ma beenayn
Balankii suleekhee
Sadurtii ma doonbaa
Dayrdee nidaysee

Barni iyo saluugliyoo
Basradii hargaysiyo
Burco saxarladeediyoo
Cabiryoow ma beenayn
Balankii suleekhee
Sadurtii ma doonbaa
Dayrdee nidaysee

Baadi gaal lageedii
Islahaa ku bidhiiqsoo
Naf bukaan ku raadshoo
Baryo gogosha jiiftaa
Ubad iyo baroortaba
Is lahaa ku baanoo

Baadi gaal lageedii
Islahaa ku bidhiiqsoo
Naf bukaan ku raadshoo
Baryo gogosha jiiftaa
Ubad iyo baroortaba
Is lahaa ku baanoo

Waxaan buuxi leeyahay
Haantii barwaaqeed
Danbaa intaa xidhi

Waxaan buuxi leeyahay
Haantii barwaaqeed
Danbaa intaa xidhi

Afartaa buleeyoo
Bishleey oo xigeeyee
Aan sii balaadshee

Ragna biimo weeyee
Taladii bir lagu jaro
Hadayba garatoo
Xadhkaheedu kuuban
Lama baraf nuglaadoo
Bishmahaad adkayso
Faqi lama qaniinee

Ragna biimo weeyee
Taladii bir lagu jaro
Hadayba garatoo
Xadhkaheedu kuuban
Lama baraf nuglaadoo
Bishmahaad adkayso
Faqi lama qaniinee

Waxaa loo oonbareeraa
Biidhiiji inteedee
Cabdiyoow bal ila soco

Waxaa loo oonbareeraa
Biidhiiji inteedee
Cabdiyoow bal ila soco

Ruuxaad ba,iisiyoo
Ceebtiisa baratee
Idaydeenkiyo calooshiyoo
Ku baadhaan feedhaha
Bogiisaa qeybsoow
Lama sii baneeyee
Bacda lagama jeexee
Cabdiyoow baroortuba
Nabad weeyee maydkee
Ii baxnaanisaa

Ruuxaad ba,iisiyoo
Ceebtiisa baratee
Idaydeenkiyo calooshiyoo
Ku baadhaan feedhaha
Bogiisaa qeybsoow
Lama sii baneeyee
Bacda lagama jeexee
Cabdiyoow baroortuba
Nabad weeyee maydkee
Ii baxnaanisaa

Afartaa buleeyoo
Bishleey oo xigeeyee
Aan sii balaadshee

Exit mobile version