ana waan gurxamayaa
sida aar gantaal qaba
geed uu gala waayaa
marba gees u rooraa

nabsi ha iga gadanoo
calaf geedi weeyee
gabadhaan jeclaayeey
miyaad ii gar gaarayn.

gabaldhiciyo waa bari
guriga aad ku nooshahay
salaantayda geeyaa
si aad ii gaclootee

nabsi ha iga gadanoo
calaf geedi weeyee
gabadhaan jeclaayeey
miyaad ii gar gaarayn.

guudkaagan dhilanoo
garbahaagu dhaafaye
sida seenta geenyada
marba gees u tuurtaa
galin dhexe habeenkii
riyo ugu guryamaye

nabsi ha iga gadanoo
calaf geedi weeyee
gabadhaan jeclaayeey
miyaad ii gar gaarayn.

ruux gacaladaa qaba
oo kuu gar sheegtoo
laguma Diidee
gogol baa la geeyaa
waa la garwaaq soora

nabsi ha iga gadanoo
calaf geedi weeyee
gabadhaan jeclaayeey
miyaad ii gar gaarayn.

Exit mobile version