Adigaa i lahaaday
Dhibtayda ogaadey
Adigaa aniga i ahaaday
Adaa hantoo qalbiga
Qeyb weyn ku lahaaday
Adaa hantoo qalbiga
Qeyb weyn ku lahaada

Adigaa i lahaaday
Anigana adigaa i lahaaday
Dhibtayda adaa dayray
Adaa aniga i ahaaday
Adaa hantoo Qalbiga
Qeyb weyn ku lahaaday
Adaa hantoo Qalbiga
Qeyb weyn

Hadana hadana Wey inoo ahaatay
Kurbo maanta Wey naga dhamaatay
Nolosha wey inoo macaatay
Riyadeenii wey riyadeenii wey rumawday
Riyadeenii wey riyadeenii wey rumawday

Adigaaba abuuray
Adigaa farxad ii quudhey
Adigaaba abuuray
Farxada adigaa ii quudhey
Adigoo kaliyaa ii nuurey
Malyuun quruxeey ii nuuray
Oo nafta ii hurey
Cumaamada adigaan kugu tuurey
Oo nafta ii hurey
Cumaamada adigaan kugu tuurey
2x
Waxaasa jacayla jacaylkeena hee
Farxada familkrena kow
Fiyooraha noloshiyo ubadkeena
Ale mahadii ka faa'idney guurkeena
Jacaylkeena farxada familkeena
Fiyooraha noloshiyo ubadkeena
Ale mahadii ka faa'idney guurkeena
Ale mahadii ka faa'idney guurkeena
Ale mahadii ka faa'idney guurkeena

Argaaga waan ku seexdaa
Baby dhabtaada quruxdaada
Gabdhaha kale uma kasho kabtaada
Abid time waxaan rabaa agtaada
Tayda waxaa iiga daran taada
Ma rabo inay xumaato ayaantaada
Mana noolaan karo la,aantaada baby
La,aantaada baby

Halkaa ku dhalataaba halhaysa
Inaan burco wada aadnay iga haysaa
Reer Abtigaa goormaa i baraysaa
Hargaysana ma ii wadaysaa
Dhulkii hodankaa baby wey iga haysaa
Somaaliland waan ka tagayna reer jubaland
Waanu tagaynaa goobtii galmudug
Waanu martinaynaa hiiraan
Maalin ku hadhsanayanaa butland
Waaban dagaynaa koonfur galbeed
Baydhabaan galaynaa Muqdisho macaan
Waan u laabanaynaa hooyo
Waan u laabanaynaa hooyo
Waan u laabanaynaa hooyo
Muqdisho macaan
Waan u laabanaynaa hooyo

Exit mobile version