Run dhe run dhe run dhe
Caashaqa ruuneey run dhe
Been dhe been dhe been dhe
Beenlaw hadalkiis been dhe
Bogaa wadnahayga iyo
Bartamaha halbawlaha
Bilaneey adaa baday
Xubigani adaa baday
Run dhe run dhe run dhe
Caashaqa ruuneey run dhe
Been dhe been dhe been dhe
Beenlaw hadalkiis been dhe
Igu badan dhibkaaguye
Inta badan habeenkii
Hurdaan baadi goobaa
Beebi hurdaan baadi goobaa
Run dhe run dhe run dhe
Caashaqa ruuneey run dhe
Been dhe been dhe been dhe
Beenlaw hadalkiis been dhe
Biyaha lagu oon bixiyo
Badar ba anigoon arkayn
Buugaag jacayl iyo
Qoraal baan ku daalaa
Run dhe run dhe run dhe
Caashaqa ruuneey run dhe
Been dhe been dhe been dhe
Beenlaw hadalkiis been dhe
Shinbirahan u baaqaa
Barni waxaan idhaahdaa
Barta ay ku nooshahay
Bandhigayga gadhsii
Run dhe run dhe run dhe
Caashaqa ruuneey run dhe
Been dhe been dhe been dhe
Beenlaw hadalkiis been dhe
Ruux hadaad baratana
Ha isku bahdilin
Beenlaw hadalkiis
Yuu ku baacsanin
Balan iga qaad
Inaad igu boodayn
Adaa ii bilaabee
Ha iiga bixin

Run dhe run dhe run dhe
Caashaqa ruuneey run dhe
Been dhe been dhe been dhe
Beenlaw hadalkiis been dhe

Exit mobile version