waxaa loo camiran yahay
loo soo ciyaar tagay
laba caasahqu mideyay
jaceylka cadeeyay
dadkaa u codeeyay
sacabka sacabka
shacabkaa u codeeyay
waa gabar caalim
dhalay amran
ana codkaan
u huray amran
cisi iyo sharaf
nin ku caanabaa
amran calmaday
axmed waa curad
caaqil weeyaan
hoyo carbisoo
abid caasiyeyn
waa casiis mahadi
uciyaar tuma
haloo ciyaar tumo
uciyaar tuma
haloo ciyaar tumo
waxaa loo camiran yahay
loo soo ciyaar tagay
laba caasahqu mideyay
jaceylka cadeeyay
dadkaa u codeeyay
sacabka sacabka
shacabkaa u codeeyay

kal iyo laab isu ahada
ku midooba noloshoo
ku dakeeya dunidoo
kalgacalkiinu hakoreyo
ha kifaaxo qoskiinu
ha ahaado kii waara
ubadkiinu kun ha dhafo
axmed amran ilaasho
axmed amran uroonow
laba uurka iska jecel ahada
laba kala ahaanayn ahada
laba abid kala go ayn ahada
ilaahay dartii isu waara
waxaa loo camiran yahay
loo soo ciyaar tagay
laba caasahqu mideyay
jaceylka cadeeyay
dadkaa u codeeyay
sacabka sacabka
shacabkaa u codeeyay

Exit mobile version