gabdhaheena lama gaadho
gob weeyaan
garaad iyocaqli
allaa ku galaday
googoday garoowe
gaalkacyo garbaharay
ilaa gaarisa

guri ceel hablaheena
gadgaduudna
goliseerban galay
galba shidanaaa
inta ka gudboon
maray gobolkeed bari
gaari dumar
geenyo dhaaftay

ha u gafin looma gafe
gacanta ka daa
cida guursata
ha gumaysanado
hadaad garanwaydo
adoonba u gafin
geesigii dhalay
gurigeeda u celi

gabdhaheena booramiyo
burco inta gee
salaan iga gee
hargeysa caday
iskaday dhabakoy
aan ka go goin
galaan iyo xamar
goday waa diiday

galbareey waa aqoon
gef iyo dalag
gurmad weeyiyo
guul aan la hurayn
guryo aroos
waxay gaar u hurteen
geel la baxshoo
gaaf loo dhigo

Exit mobile version