Waxay rabtaa u rooraa
Waa ugu roonaanaa
Raganimaa samaynaa
Riyadeedaa u rumeenaa

Waxay rabtaa u rooraa
Waa ugu roonaanaa
Raganimaa samaynaa
Riyadeedaa u rumeenaa

Aroos laga ruxo waan dhigaa
Dushaadana dahab waan raraa
Muqdishaan ku dajinaa
Boqortooyaan kaa doonanaa

Aroos lagu ruxo waan dhigaa
Qoortaadaa dahab raraa
Qolkaagaan qurxinaa
Qeyrkaabaan ku dhaafinaa
Ma baamiyaa bocoro katiito
Bataati buskud
Ma baamiyaa bocoro katiito
Bataati buskud

Waxay rabtaa u rooraa
Waa ugu roonaanaa
Raganimaa samaynaa
Riyadeedaa u rumeenaa

Waxay rabtaa u rooraa
Waa ugu roonaanaa
Raganimaa samaynaa
Riyadeedaa u rumeenaa

Gabadhan waa dhawrsan
Waa dheeman
Waxa loo dhigo la waa
Dhexda yar ee dhuuban

Gabadhan waa dhawrsan
Waa dheeman
Waxa loo dhigo la waa
Dhexda yar ee dhuuban

Gurigoodaan ku dhuumanaa
Aqalkoodaan ku soo dhaxaa
Dhexdeedaan ku dhegdhegaa
Dhabankeedaan dhudhunkanaa

Gurigoodaan ku dhuumanaa
Aqalkoodaan ku soo dhaxaa
Dhexdeedaan ku dhegdhegaa
Dhabankeedaan dhudhunkanaa

Aabaheedaa ka doonanaa
Nabad doonkaa ku dalbanaa
Hooyadeedaa u hooyanaa
Gudoomiyaha degmadaa wacaa
Hello hello

Waxay rabtaa u rooraa
Waa ugu roonaanaa
Raganimaa samaynaa
Riyadeedaa u rumeenaa

Waxay rabtaa u rooraa
Waa ugu roonaanaa
Raganimaa samaynaa
Riyadeedaa u rumeenaa

Kuu kuu lamina
Lamina tubarika
Sida uu na barayaa
Sideedaa muuniya
Kisiya baxaya woo

Kuu kuu lamina
Lamina tubarika
Sida uu na barayaa
Sideedaa muuniya
Kisiya

See rabtaa abaayo see rabtaa

Exit mobile version