Sumcad badan samaan badan
Gabar wada simanoo samir badan
Sumcad badan samaan badan
Gabar wada simanoo samir badan
Saamiya taajir iyo sayigeeda
Maxamed reer nasiib badan
Saamiya taajir iyo sayigeeda
Maxamed reer nasiib badan

Sumcad badan samaan badan
Gabar wada simanoo samir badan
Sumcad badan samaan badan
Gabar wada simanoo samir badan
Saamiya taajir iyo sayigeeda
Maxamed reer nasiib badan
Saamiya taajir iyo sayigeeda
Maxamed reer nasiib badan

Hadalkeeda sax waa sax
Qofta saxan waa saamiya
Mana laha suuro suuro
Mana wareegto suuqa
Mana laha suuro suuro
Mana wareegto suuqa

Soortey karisaa macaan
Martida ku soodhaa samaan
Seeg seeg iyadaan aqoon
Qofta saxan waa saamiya

Soortey karisaa macaan
Martida ku soodhaa samaan
Seeg seeg qof aan aqoon
Qofta kaliya saxan saamiya

Sumcad badan samaan badan
Gabar wada simanoo samir badan
Sumcad badan samaan badan
Gabar wada simanoo samir badan
Saamiya taajir iyo sayigeeda
Maxamed reer nasiib badan
Saamiya taajir iyo sayigeeda
Maxamed reer nasiib badan

Somali queen gabadhu waaba liin
Ma aha damiin waxay baratay diin
Mana laha iin inantu waa kiniin
Xaasid namiim alaha ka dhowro
Eebe aamiin
Xaasid namiim alaha ka dhowro
Eebe aamiin

Somali queen gabadhu waaba liin
Ma aha damiin waxay baratay diin
Mana laha iin inantu waa kiniin
Xaasid namiim alaha ka dhowro
Eebe aamiin
Xaasid namiim alaha ka dhowro
Eebe aamiin

Somali queen gabadhu waaba liin
Ma aha damiin waxay baratay diin
Mana laha iin inantu waa kiniin
Xaasid namiim alaha ka dhowro
Eebe aamiin
Xaasid namiim alaha ka dhowro
Eebe aamiin

Somali queen gabadhu waaba liin
Ma aha damiin waxay baratay diin
Mana laha iin inantu waa kiniin
Xaasid namiim alaha ka dhowro
Eebe aamiin
Xaasid namiim alaha ka dhowro
Eebe aamiin

Laba isa soocdey
Jacaylakana ka siman
Laba kala sikanoon
Kala samrayn
Laba isu midoo
Laabta isu sida
Saamiya taajir iyo
Sayigeeda maxamed
Laban kala samrayn

Laba kala sikanoon
Kala samrayn
Laba isu midoo
Laabta isu sida
Saamiya taajir iyo
Sayigeeda maxamed
Laban kala samrayn
Laba kala samrayn

Sumcad badan samir badan
Qof wada simanoo samaan badan
Sumcad badan samir badan
Gabar wada simanoo samaan badan
Saamiya taajir iyo sayigeeda
Maxamed reer nasiib badan
Saamiya taajir iyo sayigeeda
Maxamed reer nasiib badan

Suldaanka qaba
Inay xanaaqdo sikin
Sayigeeda umaba quuro silic
No saqajaan amaba kala jaan
Wiilka jire waxay heshay jaamici
Umaba jabo cadaw umana joojiyo
Umana jabo cadaw umana joojiyo

Exit mobile version