sucaad sagal dhalad sabiibey
subaxda kulaniyo saalaanteen
saldhiiga baarshiyo sideeni
sibaan baryaba u saaqna

markana saakana sidaanahay
hablo kulama simo sidii hore
sadriga laabtuna samaan badaney
adaa lagu sudhay si daacada

sibaan ugu bogsokaagii
anigu seexan waayay habeenkii
sababtu maan garan siday tahay
kolay sahal maaha sidaan qabo

sucaad subagiyo saaxiiney
saqdhexe laylkii kugu salalay
suurada qurixiyo sadkaaguna
hablaha kama sina sibaa tahay

saacad saacad sidaan ahay
niyada kama saar sawirkuye
seedaha jidhkuna samaan badaney
adaa ugu siqi si daacada

Exit mobile version