Todobaan ku faano
Sababtana ma aqaano
Ayagoo heli kara
Nabad iyo caano
Maxay ugu fikiraan aano

Dadbaa dakana xasuusto
Wadaniguna ma quusto
Soomaali in la kala googoosto
Inuu shayaha na haysto
Dhib walboo naloo gaysto

Siyaasada aad arkayso
Laguuma ogola inaad codayso
Qaladaadka hadaad cadayso
Dhib uunbaa kugu dhacayso

Afkaaga iska hayso
Adigoo is lurayn walaal
Laabtaada ku kaydso
Soo shubo weyso
Hadaad wax ka qaban waydo
Ale bariyoo gurigaaga ku layrso

Ha ka qixin dalkaaga
Dhibkana ha u bixin
Nimaan kugu dhiig ahayn
Habeen qura ha u dhixin

Cidna nagamay nixin
Waxba nalamay sixin
Markaad cagahaaga ku joogsato
Waxba ha u jixin jixin

Qabiil waxba namuu tarin
Iska dhicin haday jirin
Soomaali sidan maan rabin
Ani waxba maan qarin
Cidna iskumaan dirin
Quruna aanan igu jirin
Qoloqolo soo imaad barin
Qeyb qeyb umaad rarin

Qasaaradu wali ma harin
Hadaan la isku keeni karin
Waxaan wataa arin
Anagoonba isku jirin
Walaalnimada ha iga jarin
Waad ogtahay inaan ku hurin
Ileen hiil kalaan jirin

Dhiigaaga ha sirin
Xubin adiga kaa mida
Waligaa ha xaqirin
Xaduuda ha iga xiran walaal

Isticmaal maskax
Kaligaa gooni u bax
Dhalinyar markaad tahay
Dalkan adigaa ka ah ubax
Odayaashaano dhan
Qaarbaa ah dhagax

Mid walba wuxuu rabaa madax
Wadankeenay ka dhigeen marax
Adigu hadaa tahay shax shax
Ogow kuwa gaajo la ah kax
Nina ma ahaado fax fax
Mar uunbaad noqon qanax
Xanuunkaa keena ax
Hadhaw yaan la dhihin ka nax
Yaan la dhihin hadhaw ka nax

Exit mobile version