sidaa tahay heego rooble
hir doogliyo ubax dilaacay
hawdkoo dhirtu wada magooshay
haraha biyo ay dhex jiifan
adaa amal ii hilaacee bal kaw dheh
hankayga adaa dhex saaqee bal laba dheh
hoheey caashaqaan guudhaynin
halbawlha adaa ku beeray
anoo hadalkiisa daayay
jacaylba ka hawl yaraystay
hantaaqada igu furee
sideen kuu heli karaa

hoygigyo gurigaad ku nooshaa
habdhaqan kugu baraarshay
hooyadii ku dhashaa haboonayd
haybada aabaad ka raacday
gobaa ku hareero joogtee bal kaw dheh
hidaha isir fiican yeeshaye bal laba dheh
filkeed dumar ugu horaysiyo
waxaa tahay hoodaleey ugub
anoo hadalkiisa daayay
jacaylba ka hawl yaraystay
hantaaqada igu furee
sideen kuu heli karaa

Exit mobile version