markaan quruxiyo xishood
dhamaan qiimeeyay dumar
waxaan u qushuucayoo
mudnanta u qiray anigu
hablaha qoraxay ku nool
dhamaan waa quraysh hidaha
qumaati loogu soo korshoo
qayrkood waxay dheer yihiin
dadnimo qaaliyoo asturan
markaan qabridahre tagay
qalbiga farax baan gashoo
qudhaydu waxay itidhi
hablahan qalanjooyinka iyo
bulshada qoraxay la joog

qorax duhur taaganiyo
runtaba lama qarin karee
qoraxay waxa la hubaa
qormada suugaanta iyo
inay meel qaniya tahay
qoraxay waxay caan ku tahay
barbaar qaranimada iyo
qooraha xisbigeena jecel
dadkeeduna waa hal qudha
markaan qabridahre tagay
qalbiga farax baan gashoo
qudhaydu waxay itidhi
hablahan qalanjooyinka iyo
bulshada qoraxay la joog

Exit mobile version