VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ubax - Lyrics

gabadhyahay waxaan ahay nimuu gubay jacayloo meel halisa gaadhoo aawadaa go,aayee godka iyo xabashiyo intaan iilka lay galin gacalooy wax ila qabo galbis iyo aroosiyo guri aan yagleelnee geestaada ila qabo ha godlado jacaylkuye gabanyahoow aqoontiyo farsamooyin garashada gacma laga shaqeeyaa aduunyadu ku guurtee guryihiyo xafiisyada miyaad laydhka galisaa ama dhagaxa gogoshaa xirfad barasho gaariyo cilmi wiilaan garanayn uma dhigayo gogoshee caashaqu hakugu gudho gabadhyahay hadu calaf afka kaaga soo galo haku saydhin gacantee waa inaad gudoontaa gar allee aduunkuna waa geed hadhkiiyo hadba dhinac u guuree galbis iyo aroosiyo guri aan yagleelnee geestaada ila qabo ha godlado jacaylkuye geedkii aad beertaa midhihiisa aad gurtaa markaad guunya dhaqataa gaajada ku reebtaa adoo gabay naftaadii gaawaha ha culanine gaabsaan ku leeyahay xirfad barasho gaariyo cilmi wiilaan garnayn gogol uma dhigaayee caashaqu hakugu gudho
Queue is empty
-- / --