VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ubax mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Sharmaarke Shafeec
Ubax

gabadhyahay waxaan ahay
nimuu gubay jacayloo
meel halisa gaadhoo
aawadaa go,aayee
godka iyo xabashiyo
intaan iilka lay galin
gacalooy wax ila qabo
galbis iyo aroosiyo
guri aan yagleelnee
geestaada ila qabo
ha godlado jacaylkuye

gabanyahoow aqoontiyo
farsamooyin garashada
gacma laga shaqeeyaa
aduunyadu ku guurtee
guryihiyo xafiisyada
miyaad laydhka galisaa
ama dhagaxa gogoshaa
xirfad barasho gaariyo
cilmi wiilaan garanayn
uma dhigayo gogoshee
caashaqu hakugu gudho

gabadhyahay hadu calaf
afka kaaga soo galo
haku saydhin gacantee
waa inaad gudoontaa
gar allee aduunkuna
waa geed hadhkiiyo
hadba dhinac u guuree
galbis iyo aroosiyo
guri aan yagleelnee
geestaada ila qabo
ha godlado jacaylkuye

geedkii aad beertaa
midhihiisa aad gurtaa
markaad guunya dhaqataa
gaajada ku reebtaa
adoo gabay naftaadii
gaawaha ha culanine
gaabsaan ku leeyahay
xirfad barasho gaariyo
cilmi wiilaan garnayn
gogol uma dhigaayee
caashaqu hakugu gudho

codkii Sharmaarke Shafeec