niyad lagu tuntiyo
naf kun jeer iyada
nabsi laga galaay

waad naawishee
naxariis ALLIYO
nasrigiibaa yimid

ku dakee nimcadaa
nalka kuu baxay iyo
neecawda timid
naxligii ku dhaaf

nacabkiyo dadkii
nabarada xun iyo
naanays ku baday

nolol waarta iyo
nabad iyo jacayl
niyad sami ku dhaaf

ku dakee nimcada
nalka kuu baxay iyo
neecawda timid
naxligii ku dhaaf

Exit mobile version