Fadumooy jaceylkanii
waa fiid baxayoo
kufidaya feeraha

Sida ruux la falay ban
fiidkii habenimo
kaligay faqayaa

Waa kaan igu fogaadee
oo fiyoobideydiii
kama foga agtaade

Waa anago farashiyo
farxad aan wadaagnoo
Faysal ii xanbartoo
farax daadaheysaa

Fadumooy jaceylkani
waa mid iga facweynoo
fala dheer u bahanee

Dadka faraha maran iyo
faqrigoo u jecel yahay
iga furo dhibatada

Farxadii jaceylka
oo fiyoobideydiii
kama foga agtaade

Waa anago farashiyo
farxad aan wadaagnoo
Faysal ii xanbartoo
farax daadaheysaa

Exit mobile version