1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
dawoy dabci i lahaaw
dareen daacad ii ahaaw
miyan dumar kalleba doonaa
miyaan daarteyda diidaa
miyaan deyro daawa moodaa
duqow aan daacad aheyn
daryeel iyo dugaal laheyn
miyaan doonteyda ku duugta
miyaan daba galaa daneyaa
miyaan dacar daawa moodaa
danbiga mar uunbuu daahiraayoo
dadkuna mar uunbey ka didaan
ha i diidin dabka iga qaade
duco wa ku danbeysaayee
daryeel dan ah ha iga goyn
doqon aan dabciga laheyn
dabaal aan dareen laheyn
miyaan dadkeygii u daayaa
miyaan danahey u dayacaa
miyaan dookhey u duugaa
ditoor aan dabiib aheyn
dugaag aan ba duur laheyn
iskuma daaliyee daruustaa
miyaan daba galaa daneyaa
miyaan daqar deeq u moodaa
daruurtu mar uunbey soo da.daayoo
khalqigu ey wada doogsadaan
ku diiday aniga ku doorshay
war hoy damac kama lahiye
i dayo aniga i daay