Sow sow sow kuman sexano
sow sagal aroor da’ayee
kuumaan sir bixinoo safiyooy,
safiyooy seylkii fasiranyaa

suuradada oo kale
hablo lama simaayoo
suniyahada siman baa
habeenkii sawiranyaa
seexan waayee safiyooy
adigaan adigaan ku sugayaa.

Sida qaansa roobaa
rabbi kuu sameeyoo
seedihii jirkeygaa
sarar aad u talisaa
anna waad i sidataa
goormaan is aragnaa safiyaay

seeg seeg ha noqon
samir ii lahaaw
hablaha saaxibadaada
qurux waad u sidataa ogsoonoow.
suleeqoo kalaan kugu sawiray
kugu sifeey simaneey safiyaay

Sow soow sucdidii nafteydaay
samihii jaceylkaay
sadrigii hablahaay safiyooy
seyl kugu fasirayaa

seeftii jaceylka
sambabada dulsaartoo
saacadaan is aragnaa
silciyaa nafteydee
soortaan ka soomee safiyaay
adigaan adigaan ku sugayaa.

sida ruux sarqaanaan
selalaa habeenkii
siq dhabaa nafteydoo
samir aan iraahdaa
adna waad i sidatay
goormaan is aragaa safiyaaay.

seeg seeg ha noqon
samir ii lawaah
hablaha saxibadanaa
qurux waad u sidataa
suleeqoo kalaan kugu sawiray
kugu sifeeyay simaneeey!!!
waxii qalad ah waa laga sixi karaa (Ahmed Aden Norway)

Exit mobile version