Bal qofyahaw jacayl
Baa igukaa qas baayo
Waad i quudh sanaysa
Qayrkaa ma waayine
X2

Qosol baabay kula
Tahay qamuunyada
Naftaydiyo qadh qadh-
Yada jir kaygaba dibnaha
U qaniinaa x2

Hadaan go'o qiyaamaha
Adaaa laguu qabsanayaa
X2

Igadaa qunbacashada
Qoontaad iyeeshaa
Dadka kala qaloodaa
X2

Ima qabato caynkani
Qaxar iyo lugooyee
Qodhaa iyo xeradaa
Anba kuuma quudhee
X2

Asalkaba dhibaatada
Ma ila qayb sanaysaa
Ileen waysu qalanaa
Layma qorin agtaade
X2

Hadaan go'o qiyaamaha
Adaaa laguu qabsanayaa
X2

Igadaa qunbacashada
Qoontaad iyeeshaa
Dadka kala qaloodaan
X2

Exit mobile version