daranta anigoo rafaadsan
rubac jilaalka ooman
rumaysan jacaylka raacsan
ayaa helay ruux hagaagsan
run badan aan been jeclaysan
asturan RABIGEED yaqiinsan
raaliyo tukatoo xijaaban
midaan kibir reerka guuxin
rasmaan helay ii hanuunsan
midaan rifin diirka siibin
xishood reerkooda dhaafin
midaan rah sidiisa qaylin
waxan helay dahab rasaysan
anoo run ahaan jibaysan
rugtii caashaqa u helaan
riyoodoo habeena seexan
ayaan helay raas nimcaysan
raaxaan dhex muquurtay goorsan
ris dooglaan daygay ugbaadsan
intaan rucub goostay kuusan
ayaan ramad maalay duursan