jacaylkan igu hooray
sida heegada roob
gabadhii horseedee
hanku raacay kaligeed

waxay hanatay laabtoo
hanaankiyo asluubtay
habloo idil ku dhaaftoo
hormuudkoodii weeyaan

hilaac weeyi midabkeedu
haybad weeyi sharafteedu
hido weeyi dhaqankeedu
hufan weeyi magaceedu
hubaal waa noloshayda

jacaylka u hiraaya
sida kaymo hir doog
naftu halacsanaysee
rabitaanku hagaayay

inantii haldoorkiyo
u ahayd horyaalkee
hanku doonayee rabay
indho deeqa waan helay

Exit mobile version