jacaylku qof nool miyaa
ma dhaawac qalbiga helaa
ma wadkii dadka qaadayee
dunida kaa qarinayaa
qoomkuu caashaqu ahaa

qofkuu heeryada dul dhigo
muxuu la qushuucayaa
ma quful nafta lagu xidhoo
qof kale loo dhiibaybaa

qudhaydani sooka dagay
qaaciyo dhamac kulul ku shiday
anaa qiiro ooyayee
qalbiga ma jabaa u dhiman

dareenku qabow miyaa
qofba aragti dhaad miyaa
ma quud dhuuniga maroo
qunyar sii dhaafayaa
qoomkuu caashaqu ahaa

sidii layliyo qays
armuu qudha iga jaraa
markuu qudha iga jarana
markuu iga kaa qarshana
adiga dib uu kaa qabtaa

Exit mobile version