VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kalgacalka daadihi - Lyrics

Gudcur dama Hagar dumay Dayax nuur soo iftiimoo Indha nuurka diishaay 2× Dadyaraanta ma ogtahay Hadi laguma dayee Duunyaleeda ma ogtahay Deeq laguma dhaafee Hogoobeey dantaadana Xiisad laguma daahee 2× Da,da maanta joogtiyo Gidigoodba dumarkii Tii aan ka doortee Naftaydu damacdaay Wax dhaqaajiya jiidhkiyo Diiday ha igu oranine Kaligaa ciilka daadihi 2× Diraac kulul diradaada Duunyo laguma oodo Maqal looma daatee 2× Daw galooftay ma ogtahay Waxba lagama dhashee Duud rarata ma ogtahay Cid looma doontee Hogobeey darmaan wacan Lama dilo dhagteedee 2× Waxba yaanan ku daaline Biyo kula dakeeyiyo Isku daba xa joogtee Doodaad i leedahaa Dambi iigu suganyahayoo Dawadaadi ma ahiye Mid kale ka daydayo 2× Naftan dhabatan Aan daraysantii Tii daawadeediyo Danteeda noqotaay 2× Diifteedu ma ogtahay Inay adi dartaa tahay Dab baxaaya ma ogtahay Inuu daqar jacayl yahay Hogobeey ruux ku dagan Dabin looma qodee 2× Da,da maanta joogtiyo Gidigoodba dumarkii Tii aan ka doortee Naftaydu damacdaay Wax dhaqaajiya jiidhkiyo Diiday ha igu oranine Kaligaa ciilka daadihi
Queue is empty
-- / --